🟢 MAWDUUCA SU’AALO WEYDIIN AH ⁉️
Xasadka: Calaamadihiisa, Daaweyntiisa & Ruqyada Shareecada
Qof walba oo ina soo weydiinaaya xasadka, calaamadihiisa, daaweyntiisa, ruqyada shareecada, iyo sidoo kale sheekhyaada mucaalijiinta ah — maanta, idinka dartiin, mawduucan ayaad leedihiin Insha’Allah.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(1) ❓ Xaasidku Ma Dambi Ayuu Ku Jiraa?
❓ Su’aal:
Macallin, qofka xasadka ah waa mid la wada yaqaan inuu xaasid yahay. Miyuusan dambi ku haysan inuu dadka xasdo ama wax ka dhaco doonistiisa?
✅ Jawaab:
Haddii lagu ogyahay inuu xaasid yahay, waa dambiile weyn, waana mid sharcigu si cad u cambaareeyay. Xasadka waa dulmi, waana shar ka imanaya nafta qofka.
Haddii uu qofku is-xisaabiyo, iskana ilaaliyo inuu dadka dhibo, isha iyo xasadka ka dhowro, kana hortago sharkiisa — markaas dambi kuma jiro, maadaama uu naftiisa xakameeyay.
Qofka xasadka ah xukun adag ayuu leeyahay, balse haddii uu ka hor istaago sharkiisa inuu dadka gaaro, wax xukun ah laguma qaadayo.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(2) ❓ Sidee Ayuu Qofku Uga Ilaaliyaa Dadka Xasaddiisa?
✅ Jawaab:
Haddii uu arko wax cajab geliya, waa inuu u barakeeyaa, kuna duceeyaa:
اللهم بارك، ما شاء الله لا قوة إلا بالله، اللهم بارك فيه وبارك عليه ولا تضره
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(3) ❓ Ma Laga Qarin Karaa Xaasidka Nicmada?
✅ Jawaab:
Haa, waa bannaan in xaasidka laga qariyo nicmada iyo arrimaha gaarka ah.
Sidoo kale:
Ha wadaagin sirtaada qof walba
Ka taxaddar faafinta arrimahaaga
Been ha sheegin, balse ku jawaab jawaab guud
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(4) ❓ Farqi Ma U Dhexeeyaa Isha Iyo Xasadka?
✅ Jawaab:
Haa, farqi baa jira:
🔸 Xasadka:
Wuxuu doonayaa in nicmada kaa tagto
Xataa mustaqbalka ayuu xasdaa
Nicmada adiga ku haysata ayuu neceb yahay
🔸 Isha:
Waxay ku dhacdaa waxa ay aragto
Uma baahna niyad xun ama doonis ka tagid nicmada
Isla waqtigaas ayay waxyeello gaarsiisaa
👉 Labaduba waa dhibaato, balse waa kala duwan yihiin.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(5) ❓ Qofku Naftiisa Ma Isku Dhici Karaa Isha?
✅ Jawaab:
Haa, waa suuragal.
Qofku wuu isha ku dhici karaa:
Naftiisa
Carruurtiisa
Xaaskiisa
Maalkiisa
Haddii uu wax cajab galiya arko oo uusan dhihin “Maasha’Allah”, isha way ku dhici kartaa.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(6) ❓ Sidee Loo Xijaabaa Nafta Iyo Ehelka?
✅ Jawaab:
Waxyaabaha Nabigu ﷺ na baray waxaa ka mid ah:
Inaad wax kasta u barakeyso
Adkaarta subax & galab
Ruqyada shareecada iyo akhrinta Falaq & Naas
Inaan nicmada la faanin
Inaan wax loo sheegin qof aan haysan
In sadaqada la badiyo, gaar ahaan tan qarsoon
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(7) ❓ Calaamadaha Xasadka Lagu Garto
✅ Calaamadaha Caanka Ah:
Isbeddel lama filaan ah
Daal & caajis sabab la’aan
Waji culus
Murugo & niyad jab
Oohin carruurta
Xanuun jidheed aan la garan
🔹 Calaamado Kale:
Wadno garaac
Tabar-darro
Culeys jirka ah
Kuleyl ama qabow gacmaha & lugaha
👉 Calaamado kaliya laguma go’aamiyo xasad, waa in ruqyo la sameeyo.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(8) ❓ Sidee Loo Daaweeyaa Xasadka?
✅ Daaweynta:
Ducada badi
Ruqyada shareecada
Cibaadada kordhi
Haddii xaasidka la yaqaan, biyaha uu ku maydho ama dhididkiisa ku qubeyso (xadiis saxiix ah)
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(9) ❌ Xijaabooyin Been Ah
Waxyaabaha sida:
Silsilado
Calaamado il ah
Milix, dhiig, iwm
❌ Dhammaantood waa xaaraan, bidco & kufri u dhow
Waa shaqada shaydaanka iyo saaxiriinta.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(10) ❓ Ma La Aadi Karaa Wadaad Qur’aan Saar?
✅ Jawaab:
Haa, waa bannaan — haddii uu yahay wadaad sax ah, Qur’aan iyo Sunnana ku daweeya.
Haweeneyda waa inay la socotaa maxramkeeda.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
(11) ❓ Sidee Loo Gartaa Wadaad Sixiroole Ah?
Waxaan hore uga hadalnay 200+ calaamadood.
👉 Ku soo biir Telegram-ka:
🔗 https://t.me/somaliruqyahChannel
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
🤲 Gunaanad
Ilaahay ha inagu hago dariiqa toosan, hana naga aqbalo camalka wanaagsan.
والله أعلم
✍️ Sheikh Ceydaruus


