Farqiga U Dhexeeya Raaqiga Sharciga ah iyo Kuwa Jinka Adeegsada
raaqiga saxsan ee ku tiirsan Ilaahay oo keliya
iyo dajaaliinta, ruuxaaniyiinta, ama dadka sheegta daaweyn iyagoo jinni kaashanaya
1️⃣ Raaqiga ku tiirsan Ilaahay
ma adeegsado wax aan Ilaahay ahayn
ma ka baqo hanjabaadaha ama cabsigelinta jinka
marna kama cudurdaarto daaweynta bukaan isagoo leh “jinku waa mid aad u xooggan”
Sababta:
Wuxuu ruqyada ku sameeyaa tawakal dhab ah
Wuxuu ogyahay in bogsiintu ay gacanta Ilaahay ku jirto
Wuxuu yaqaannaa in Ilaahay yahay kan ilaalinaya,kana difaacayo sharta sheydaanka
Isagu waa sabab kaliya, Ilaahayna waa kan wax fuliya
Sidaas darteed: ➡️ Ma jiro wax uu ka cabsado, maxaa yeelay awoodda oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay.
2️⃣ Qofka jinka adeegsada
Dhanka kale, qofka sheegta daaweyn isagoo jinni kaashanaya:
marar badan wuu diidaa daaweynta kiisas badan
ama wuu ka baxsadaa xaalado culus
Sababta:
Jinka uu adeegsado ayaa u sheega in:
jinka ku jira bukaanka uu ka darajo sarreeyo
ama ka awood badan yahay
ama khatar uu ku yahay noloshiisa
Markaas ayuu yiraahdaa:
“Xaaladdan waa iga weyn tahay”
“Way khatar Badan tahay”
“Waa inaan ka cudurdaarto”
Tani waxay caddeyneysaa: ➡️ In qofkaasi uusan ku tiirsanayn Ilaahay
➡️ Balse uu ku tiirsan yahay jinni kale oo isna daciif ah
OGOW
Raaqiga ku tiirsan Ilaahay oo keliya
aad buu uga xoog badan yahay wuuna kaxoog badanyahay raaqiga jinka adeegsada
Qofka Ilaahay ku kalsoonaada:
Ilaahay ayaa ku filan
Marna kama baqo makhluuq
Shaydaankuna waa ka baqaa isaga
Sababta:
waa qof iimaan leh
tawxiidkiisu sax yahay
ku xirnaanshihiisu Ilaahay aad buu u xooggan yahay
Sidaas darteed: ➡️ Jinku wuu ka cabsadaa
➡️ Waana ka argagaxaa qofka Ilaahay ku kalsoon
✍️ Qoraalka waxaa qoray:.sheikh caydaruus(naftaada dabiib)
Adiga horey ma u’aragtey wadaad Kugu dhahay hadalkaas kor kuxusan ?


