SIXIRKA KAALMAYSIGA RUUXAHA DHULKA

سِحْرُ الِاسْتِعَانَةِ بِالْأَرْوَاحِ الْأَرْضِيَّةِ

Qoraalkan waxaan kaga hadlayaa mid ka mid ah hababka sixirka ee la xidhiidha kaalmaysiga ruuxaha dhulka, hababka loo adeegsado, qaababka kala duwan ee lagu qariyo, iyo sida dadka loogu marin habaabiyo magacyo, muuqaallo iyo habab mararka qaarkood loo ekaysiiyo diin ama Qur’aan.

Waxaan sidoo kale ku faahfaahinayaa habka sare iyo habka hoose, adeegsiga aayadaha, awfaaqta, talaasimka, taqammuska, fooxa, magaca qofka iyo magaca hooyadii, burjiyada, iyo habka akhrinta koobka.

Ruuxaha dhulku waa jinka. Qaar ka mid ahi diin bay leeyihiin, laakiin dhammaantood waxay ka mid yihiin farcanka Shaydaanka; waxaa ka mid ah Yuhuud, Nasaaro iyo Muslimiin, waxaana ka mid ah gaalo, dhammaantoodna waxay ka mid yihiin farcanka Shaydaanka.


Sidee Habkani u Dhacaa?

Habkani waa mid ka mid ah hababka ugu badan ee ku faafsan dhammaan bulshooyinka, welina wuu sii fidayaa isagoo leh wejiyo iyo daboollo kala duwan.

Aasaaska ugu weyn ee habkani ku taagan yahay waa in qofka ku shaqaynaya habkan, muuqaalkiisa ama magaciisu siduu doono ha ahaadee, laga yaabo inuu leeyahay xafiis ruuxaani ah, faaliye yahay, wax-sheeg yahay ama indheergarad sheegto. Qaarna waxay isku magacaabaan sheekh ama nin diin leh oo Qur’aan ku shaqeeya.

Inta badan waxaa jira heshiis dhex mara isaga iyo mid ka mid ah madaxda qabiilooyinka jinka ama Shaydaanka, kaas oo dhigaya inay sameeyaan falal shirki ah iyo falal gaalnimo ah—qarsoodi ama si cad—dabadeed jinka ama Shaydaanku u adeego ama u sakhirnaado qofkaas, una qabto waxyaabaha uu doonayo.

Goobahooda iyo khiyaanadooduba waxay ka caawiyaan inuu soo bandhigo baadilka uu doonayo ama qofka kale doonayo, iyagoo falalkaas u samaynaya hababkooda baadilka ah ee gaalnimada ku dhisan.

Natiijada arrintaasi waxay ku dhacdaa nafaha iyo jidhka dadka dhibban.

Waxaana ka mid ah hababkooda:


1. HABKA SARE

الطريقة العلوية

Alle SWT wuxuu yidhi:

﴿لَا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَى وَيُقْذَفُونَ مِنْ كُلِّ جَانِبٍ﴾

Habkani waa mid ka mid ah hababka ugu khatarta badan, sababtoo ah dadka isticmaala waxay naftooda isugu sheekeeyaan inay Qur’aan ku shaqeeyaan, waxayna ku andacoodaan inay adeegsanayaan jinni Muslim ah, malaa’ig sare ama ruuxaaniyiin.


A — Aayadaha Qur’aanka oo la Qalloociyo

Saaxirka habkan ku shaqeeya wuxuu qoraa aayado Qur’aan ah oo ay la socdaan sixirro iyo ur aan wanaagsanayn. Waa marin-habaabin loogu talagalay qofka ay doonayaan inay sixraan.

Waxay aayado Qur’aan ah ku qoraan warqad dheer, laakiin aayadahaasi waxay ka kala yimaadaan suurado kala duwan, dabadeedna qaar baa la isku dhejiyaa si ay ugu ekaadaan inay hal suurad ka wada tirsan yihiin. Mararka qaarkoodna lambarka aayadda ama magaca suuradda lama qoro.

Arinkaas waxay noqonaysaa qalloocin lagu sameeyey aayadaha, arrintaasina ma ahan sharci. Aayadahaas la qalloociyey ayaa markaas loo adeegsadaa il ay jinku ku soo xaadiraan ama ku xoogaystaan.

Ilahay wuxuu yidhi:

﴿فَبِمَا نَقْضِهِمْ مِيثَاقَهُمْ لَعَنَّاهُمْ وَجَعَلْنَا قُلُوبَهُمْ قَاسِيَةً يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَ عَنْ مَوَاضِعِهِ وَنَسُوا حَظًّا مِمَّا ذُكِّرُوا بِهِ﴾

Wuxuu kaloo ilahay yidhi:

﴿وَمِنَ الَّذِينَ هَادُوا سَمَّاعُونَ لِلْكَذِبِ سَمَّاعُونَ لِقَوْمٍ آخَرِينَ لَمْ يَأْتُوكَ يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَ مِنْ بَعْدِ مَوَاضِعِهِ…﴾


B — Aayadaha Lagu Qoro Biyaha Dahabka

Waxaa jira kuwo aayado Qur’aan ah ku qora biyo dahab ah. Marka aad akhrido aayadda Qur’aanka ah ee ku qoran xijaabkaas, kama helaysid wax ka maqan shuruudaha xuska iyo qorista aayadaha Qur’aanka.

Khatarta habkani waxay ku jirtaa in gaalnimo iyo shirki la sameeyo ka hor qorista, marka la diyaarinayo biyaha dahabka ah.

Dabadeed saaxirku wuxuu akhriyaa aayadaha si rogan iyo waxyaabo shirki ah, ka dibna aayadaha qaabkooda saxda ah ayuu ugu qoraa warqad ama waxa loo yaqaan xijaab.

Sidaas ayay aayadda ku qoran u noqonaysaa wax lala xidhiidhiyo joogitaanka jinka iyo shayaadiinta iyo ku-shubidda jinka ku jira jidhka qofka la sixray.


C — Awfaaq (الأوفاق)

Ilahay wuxuu yidhi:

﴿فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ يَكْتُبُونَ الْكِتَابَ بِأَيْدِيهِمْ ثُمَّ يَقُولُونَ هَذَا مِنْ عِنْدِ اللَّهِ لِيَشْتَرُوا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا كَتَبَتْ أَيْدِيهِمْ وَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا يَكْسِبُونَ﴾

Waxaa jira saaxiriin aayadaha Qur’aanka ku qora gudaha afar-geesyo loo yaqaan awfaaq (الأوفاق).

Awfaaqtaasi waxay u qaybsamaan dhowr qaybood; waxaa ka mid ah kuwo ay ugu yeedhaan khayr iyo kuwo shar.

Labada noocba aayadaha Qur’aanka waxaa lagu qoraa safka labaad ee wafaqa, mararka qaarkoodna aayadda ayaa dhexda laga kala jebiyey ama si rogan loo qoraa.

Qof walba waa inuu fahmaa in marka aayadda Qur’aanka ah si rogan loo qoro, sabab kasta ha loo sameeyee ama dabool kasta ha lagu qariyee, ay tahay qalloocin lagu sameeyey aayadaha Qur’aanka.

Dad badan ayaa awfaaqtan lagu marin habaabiyaa iyadoo lagu qorayo aayado Qur’aan ah oo sax ah ama mararka qaarkood la qalloociyey si macnaha loo beddelo.

Tani waa waxa ku jira xijaabka ama warqadda uu saaxirku qoro oo uu siiyo dhibbanihiisa, iyadoo qofku aanu garanayn xaqiiqada ka dambaysa xijaabkaas.

Dad badan ayaa xijaabyadan qoorta ku sita, laabta hoosteeda ku sita, barkimadooda ama gidaarada guryahooda ku dhejiya.

Xijaabyadani waxay noqdeen badeeco lagu iibiyo maktabadaha.

Waxa keliya ee aan odhan karo waa hadalka ilahay:

﴿يَا حَسْرَةً عَلَى الْعِبَادِ﴾

Awfaaqta Tirooyinka

Waxaa kale oo jira awfaaq tirooyin ah, iyadoo aayadaha Qur’aanka loo beddelayo tirooyin oo lagu gelinayo awfaaqta.

Marka la weydiiyo halka arrintani ka timid, waxay yidhaahdaan:

“Waa cilmiga xarfaha ee Imaam Cali.”

Sidaas ayay dadka fudud ugu sixraan habkan.

Cilmiga xarfuhu wuu jiraa, waana mid ka mid ah cilmiyadii hore.

Ilahay wuxuu yidhi:

﴿وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا﴾

Cilmiga xarfuhu wuxuu sheegayaa in xaraf kastaa leeyahay tiro u dhiganta, xarfuhuna xidhiidh la leeyihiin dab, biyo, carro iyo hawo.

Laakiin ma bannaana in tirooyinkan loo adeegsado aayadaha Qur’aanka, sababtoo ah aayaddu waxay leedahay macne iyo miisaan.

Marka aayadda Qur’aanka ah loo beddelo tirooyin waxay luminaysaa macnaheeda muuqda iyo kan qarsoon.


D — Adeegsiga Talaasimka

Adeegsiga talaasimka wuxuu jiray xilliyadii Islaamka ka horreeyey.

Tawxiidku wuxuu soo baxay bilowgii abuurista Aadam CS.

Laakiin talaasimkaas dhammaantood, luqad kasta ha ku qornaadeen—Suryani, Cibraani, Giriig ama Carabi—waxay muujinayaan marxalado taariikheed oo gaar ah.

Maadaama dadka maanta jooga aanay wax badan ka garanayn tilaasmadaas, luqadihii iyo astaamihii lagu adeegsan jiray waqtiyadii hore, tilaasmadu waxay noqotay hab ay saaxiriintu u adeegsadaan soo xaadirinta jinka iyo shayaadiinta iyo faafinta sixirka qarsoon.

Dadku aad bay ugu marin habaabaan marka lagu yidhaahdo:

“Kani waa tilaasmadii Imaam hebel.”

Imaamyadu uma baahna tilaasmadaas si ay cudur u daaweeyaan; dadka waxay ku daaweyn jireen aayadaha Qur’aanka.

Alle SWT wuxuu yidhi:

﴿فَمَنْ حَاجَّكَ فِيهِ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ فَقُلْ تَعَالَوْا نَدْعُ أَبْنَاءَنَا وَأَبْنَاءَكُمْ وَنِسَاءَنَا وَنِسَاءَكُمْ وَأَنْفُسَنَا وَأَنْفُسَكُمْ ثُمَّ نَبْتَهِلْ فَنَجْعَلْ لَعْنَتَ اللَّهِ عَلَى الْكَاذِبِينَ﴾


E — Habka Taqammuska

طريقة التقمص

Habkani waa qayb ka mid ah hababka soo xaadirinta ruuxaha jinka iyo shayaadiinta.

Jinka ayaa lagu tababaraa inuu yeesho ama ku daydo astaamo gaar ah oo qof taariikhi ah, siyaasi ah ama diin leh.

Dabadeed Shaydaankaas ayaa qofka ku labista ama ku dayda, qofkiina wuxuu bilaabaa inuu u hadlo oo u dhaqmo sida shakhsiyaddaas.

Waxay sheegaan in tani tahay ruuxdii shakhsiyaddii hore ee dhimatay.

Habkani maanta aad buu u faafayaa.

Habka taqammuska waxaa kale oo adeegsada qaar ka mid ah dadka loo yaqaan takiyyaat, waxaana la maqlaa wax loogu yeedho:

“Sheekh hebel oo ku labistay shakhsiyaddii hebel.”

Waxay habkooda ku tiirsan yihiin tababaridda qaar ka mid ah jinka qaybo gaagaaban oo Qur’aanka kariimka ah ama tasbiixyo isku dhafan.

Waxaa la siiyaa qofka loogu talagalay inuu maqlo, kaas oo inta badan aan aqoon badan u lahayn cibaadada ama diinta.

Sheekh habkan isticmaala ayaa qofka siinaya tasbiixyo iyo aayado Qur’aan oo gaagaaban oo uu tirooyin gaar ah ku celceliyo.

Marka qofku aayadahaas ama tasbiixyadaas ku celceliyo, jinku wuxuu noqdaa mid gudaha qofka ku dega.

Dabadeed qofkaasi wuxuu bilaabaa inuu arko wax uu u malaynayo iftiin iyo ruuxaaniyad.

Tusaale

﴿سَلَامٌ قَوْلًا مِنْ رَبٍّ رَحِيمٍ﴾

Qofku markaas aad ayuu ugu janjeedhaa ku celcelinta aayadaha gaagaaban, laakiin aanu u janjeedhin akhrinta Qur’aanka iyo fahamkiisa.

Tusaale aan Daaweyn Kula Kulmay

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa haweenay Somaaliyeed ah oo aan daweeyey.

Jirkeedu wuu gariiri jiray mar kasta oo ay Qur’aanka qabato si ay u akhrido.

Waxaan udiray xarunta quraan saarka.

Maalintii labaad ayuu jinnigii kujiray kaga hadlay, wuxuuna sheegay inuu Yuhuudi yahay.

Wuxuu ku galay haweeneyda iyada oo loo marayo takiyad ay haween qaarkood isugu iman jireen barashada qaar ka mid ah culuumta diinta, laakiin gudaha goobtaas sixir ayaa lagu samayn jiray.

Halkaas foox ayaa la shidi jiray, jawi shaydaannimo ayaa la samayn jiray, waxaana lagu celcelin jiray saddex go’aan oo shirki ah.

Dabadeed haweenka imanaya waxaa loo qaybin jiray darajooyin, iyaga oo aan ogayn in darajooyinkaasi tilmaamayaan heerka qofka ee takiyadda iyo tilmaamaha la barayo.

Haweeneydaasi ma ogayn waxa takiyaddaas ka dhacayay.

Markii jinka Yuhuudiga ah laga saaray ayay xaqiiqada ogaatay, Alle na wuu bogsiiyey.

Takiyyaadka noocan ahi maanta waxay ku badan yihiin dalal badan oo Islaami iyo Carbeed ah.

Waxaa kale oo jira dad sixran iyagoon ogayn, kuwaas oo loo sheego inay leeyihiin “nuur” ka yimid imaam hebel ama hebel.

Marka ay galaan qabuuraha imaamyada, waxaa ku dhaca gariir la mid ah kii haweeneydaas marka Qur’aanka loo akhriyo.

Dad badan ayaan daweeyey oo arrintaas aaminsanaa, dabadeedna daaweynta Qur’aanka waxaa lagu ogaaday waxa gudahooda ku jira.

Kuwani waa qaar ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee habka sare.

Ilahay wuxuu yidhi:

﴿لَا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَى وَيُقْذَفُونَ مِنْ كُلِّ جَانِبٍ ۝ دُحُورًا وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ﴾


2. HABKA HOOSE

الطريقة السفلية

Saaxirka habkan adeegsadaa wuxuu sameeyaa tallaabooyin taxane ah oo uu ku muujinayo Shaydaanka iyo kuwa raacsan inuu diyaar u yahay inuu sameeyo waxyaabaha xaaraanta ah iyo dambiyada waaweyn.

Waxa kale oo qofka habkan ku shaqaynaya shardi looga dhigaa inuu galo dambiyada waaweyn iyo noocyo kala duwan oo fisqi iyo Xumaan ah.


Habka Fooxa iyo Qiiqa

طريقة البخور والدخن

Habkani waa mid la yaqaan oo saaxiriin badani adeegsadaan.

Saaxirku wuxuu qaataa magaca qofka iyo magaca hooyadii, dabadeed wuxuu bilaabaa inuu shido noocyo kala duwan oo foox ah, kuwaas oo qaarkood ur wanaagsan leeyihiin qaarna ur xun.

Dabadeed wuxuu akhriyaa go’aankiisa gaalnimada ah, wuxuuna amraa jinka inuu aado qof hebel oo hebel ah oo uu sameeyo hawsha loo diray.

Fooxyada loo isticmaalo arrimahan waxaa ka mid ah noocyo kala duwan.

Miyaynaan Foox Isticmaalin?

Waxaa laga yaabaa in qofku isweydiiyo:

“Miyaynaan foox isticmaalin?”

Foox waa la isticmaali karaa marka loo baahdo, laakiin marka la shidayo waa in la yidhaahdo:

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ


Maxuu Saaxirku u Qaataa Magaca Qofka iyo Magaca Hooyadii?

Calaamadda lagu kala garto saaxirka iyo qofka Qur’aanka ku daweeya waxaa ka mid ah in saaxirku qaato magaca qofka iyo magaca hooyadii si uu uga soo saaro dabeecadda qofka la sixrayo.

Dabeecadaha qofka waxaa loo qaybiyaa afar:

  • Dab
  • Carro
  • Hawo
  • Biyo

Burjiyada iyo Dabeecadaha

Burjiyadana sidan ayaa loo kala dhigaa:

  1. الحمل — Aries: dabeecad dab ah.
  2. الثور — Taurus: dabeecad carro ah.
  3. الجوزاء — Gemini: dabeecad hawo ah.
  4. السرطان — Cancer: dabeecad biyo ah.
  5. الأسد — Leo: dabeecad dab ah.
  6. العذراء: dabeecad carro ah.
  7. الميزان: dabeecad hawo ah.
  8. العقرب: dabeecad biyo ah.
  9. القوس: dabeecad dab ah.
  10. الجدي: dabeecad carro ah.
  11. الدلو: dabeecad hawo ah.
  12. الحوت: dabeecad biyo ah.

Dabeecadda waxaa laga soo saaraa iyadoo la ogaanayo burjiga qofka.

Burjigana waxaa laga soo saaraa magaca qofka iyo magaca hooyadii iyadoo la adeegsanayo cilmiga xarfaha.

Magaca iyo magaca hooyada ayaa tirooyin loo beddelaa, dabadeed tirada waxaa loo qaybiyaa tirada burjiyada; inta soo hadhana waxay noqotaa lambarka burjiga.

Marka dabeecadda qofku tahay hawo, waxaa loo diraa jinni hawo ah.

Marka ay biyo tahayna hab biyo la xidhiidha ayaa loo adeegsadaa.

Marka ay carro ama dab tahayna waxaa loo adeegsadaa hab ku habboon dabeecaddaas.


Habka Akhrinta Koobka

طريقة قراءة الفنجان

Qofka habkan ku shaqeeya waa saaxir.

Sirta habkan waxay ku xidhan tahay bunka.

Bunku waa walax la dubay, waxaana jira cuntooyin Alle tasbiixdooda ka badan tahay kuwa kale.

Wax kasta oo koonkan ku jira Alle ayay u tasbiixsadaan.

Waxaa jira cuntooyin ay tasbiixdoodu ka badan tahay kuwa kale sida qamadiga, bariiska, dhirta iyo miraha.

Bunka marka kulayl lagu diyaariyo, waxa ku jira ayaa isbeddela, waxaana lagu xidhiidhiyaa joogitaanka jinka iyo shayaadiinta.

Koobka waxaa ka soo muuqda calaamado hore loogu heshiiyey.

Mararka qaar waxay noqon karaan qaab kalluun, xayawaan ama calaamado kale.

Qofka koobka akhriya ayaa calaamadahan u beddela macnayaal laga soo qaatay waxa koobka ka muuqda.

Sidaas ayaa qofka loogu sheegaa macluumaad, dabadeedna waxaa lagu dhex daraa waxyaabo keeni kara nacayb iyo colaad.

Dad badan ayaa xogtaas been-abuurka ah ku dhacda, waxaana ka dhasha fitno, burbur guryo iyo dad lagu riixo falal xaaraan ah.


Jinka Mu’minka ah Jannada Ma Galaan?

Xaqa ayaa ah in jimanka mu’miniintu, sida dadka mu’miniinta ah, Jannada U galaan.

Ilahay wuxuu yidhi:

﴿لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنْسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ﴾

Wuxuuna yidhi:

﴿وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ ۝ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ﴾


caydaruus muxumed Ruqyada Sharciga ah

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top