️ Sida Aan Isaga Ilaalino Hadalka Dadka
Nolosha ma jirto cid ka badbaadaysa hadalka dadka. Qof kasta oo horumar sameeya ama runta ku socda, waa la hadlaa. Sidaas darteed, guushu ma aha in hadalka dadka la joojiyo, balse waa in la barto sida aan qalbigeenna uga ilaalin lahayn.
Hadalka dadka ma qeexo qiimahaaga, mana go’aamiyo aayahaaga. Qalbigaaga ku xiro Alle, adigoo og in waxa kuu qoran aysan hadalka dadka beddeli karin. Marka aad Alle ku kalsoonaato, hadalka dadka wuxuu noqdaa wax aan saameyn kugu yeelan.
Xasuusnow:
Qof walba ku raalli gelin kartid ma jirto
Aamusnaantu mararka qaar waa jawaabta ugu fiican
Runta iyo camalka wanaagsan ayaa hadalka dadka ka adkaanaya
Ku soco jidkaaga si kalsooni leh, Alle ayaana ku filan 懶


