š—«š—®š˜„lš—¾š—®š—¹š—®š—±š—®

š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š—®
✨ Ł„ŁŽŲ§ Ų­ŁŽŁˆŁ’Ł„ŁŽ ŁˆŁŽŁ„ŁŽŲ§ Ł‚ŁŁˆŁ‘ŁŽŲ©ŁŽ Ų„ŁŁ„Ł‘ŁŽŲ§ ŲØŁŲ§Ł„Ł„Ł‘ŁŽŁ‡Ł Ų§Ł„Ł’Ų¹ŁŽŁ„ŁŁŠŁ‘Ł Ų§Ł„Ł’Ų¹ŁŽŲøŁŁŠŁ…Ł ✨
āžŠ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa sirta liibaanta diintaada iyo adduunyadaada.
āž‹ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa ka gudbid xaalad loona gudbo xaalad kale oo kheyr leh.
āžŒ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa u hoggaansanaan buuxda iyo isku dhiibid dhab ah oo Eebbe loo sameeyo.
āž š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa in aad qirato daciifnimadaada, arrimahaagana u dhiibto Alle — kaas oo ah Kan ugu awoodda badan adduun iyo aakhiraba.
āžŽ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ macne ahaan way sii xoogaysataa mar kasta oo uu kordho rumaysadkaaga iyo yaqiiinta aad Alle ku qabto.
āž š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa hub adag oo lagaga hortago shaydaanka, si uusan awood ugu yeelan inuu jidhkaaga soo galo; haddii uu isku dayana dib ayaa looga celiyaa.
āž š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waxay baabi’isaa carqaladaha, waxayna beddeshaa xaaladaha — ha noqdaan kuwo nafsi ah, ruuxi ah ama maskaxeed. Wax kasta oo adag ama aan suurtoobaynna, Alle fadligiis way ku suuroobaan.
āž‘ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waa hibo, waa hodan, waa iftiin, waa hanuun iyo ilaalin. Waxayna leedahay siro uu Eebbe oo keliya og yahay.
āž’ š—«š—®š˜„š—¾š—®š—¹š—®š—±š˜‚ waxay xal u tahay dhibaato kasta, si kasta oo ay u weyn tahayba — Illahay idamkii.
✨ Walaalayaal, aad ugu dadaala akhriska iyo ku celcelinta Xawqalada, idamka Alle.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top