MACLUUMAAD MUHIIM AH
Calaamadaha lagu garto jinka saaxirka ah
Jinka waa adeege sixir ah oo loo igmaday tirtiridda aragga, maskaxda, maqalka, wadnaha, urta, taabashada, iyo dhadhanka.
MAQALKA
In qofku maqlo foori, ama uu dareemo in cid u foorineyso, ama qof magaciisa ugu yeeraya, laakiin marka uu dib u fiiriyo uusan cidna arkeyn.
Diniin daciif ah oo dhagta laga maqlo, taas oo is daba joog ah, sabab caafimaadna aan loo helin.
ARAGGA
Dabool layaab leh oo qofku dareemo in indhaha laga saaray.
In qofku arko hadh madow oo hortiisa maraya. Arrintaas qofku arkaayo waxay noqon kartaa mala-awaal ama wax uu dareemayo.
URTA
In qofku uriyo ur la mid ah wax gubanaya, ur xun oo daran, ama ur najaaso ah, isagoo aan garaneyn meesha urtaas xun ay ka imaanayso. Haddii uu raadiyo meesha ay urtaasi ka soo baxayso, ma helayo.
Mararka qaarkood, urtaasi si joogto ah looma urinayo.
DHADHANKA
Qadhaadh afka ah oo sabab la’aan aad ka dareento.
Isbeddel ku yimaadda dhadhanka cuntada.
Inaad subaxdii markaad soo toosto aad carrabkaaga ka dareento dhadhan cunto ama wax la mid ah.
TAABASHO IYO DAREEN
Inaad dareento kabuubyo jirka ah, ama inaad dareento wax cayayaan oo kale ah oo ku dhex socsocda maqaarkaaga.
In qofku dareemo qabow ama kulayl ka jira cidhifyada qaarkood ee jirka.
CALAAMADAHA RUQYADA EE XAALADDA OGAANSHAHA SIXIRKA
Daaweynta shareecada ruqyah iyadoo diiradda la saarayo arrimaha soo socda:
Waa inaad laazimtaa xayndaabka ama xirsi-xidhka jirka, taas oo ah adkaarta subaxdii iyo galabtii, akhrinta Aayatul Kursi, iyo Mucawwidhataynka ugu yaraan 3 jeer.
Akhrinta iyo laazimidda Suuratul Baqarah, maalin walba guriga lagu akhriyo, lana niyeysto caafimaad iyo ilaalin.
Ruqyah dhameystiran oo adiga naftaada aad isku saareyso, biyahana aad ku tufeyso, si aad cabitaan ahaan iyo qubeys ahaan ugu isticmaasho.
Aayadaha iyo suuradaha muhiimka ah ee lagu akhrinayo waxaa ka mid ah: Aayatul Kursi, Suuratul Faatixa, Suuratul Ikhlaas, Suuratul Falaq, iyo Suuratun Naas.
Toobinka sidoo kale waa muhiim, waana in qofku istoobo.
Meelaha muhiimka ah ee toobinka laga saari karo waxaa ka mid ah: madaxa, dhabannada, dhafoorrada, iyo meelaha la xiriira shanta dareen ee muhiimka ah.
Meelahan waxay muhiim u yihiin furfuridda guntimaha sixirka, gaar ahaan meelaha loo yaqaan meelaha shanta dareen ku xiran yihiin, sida dhabannada, dhafoorrada, iyo madaxa.
NAFTAADA DABIIB


