AAYADDAN WEY CAJAA’IB BADAN TAHAY
Aayaddan kuma koobna oo keliya dhiigbaxa makaanka, sida dadka qaar aaminsan yihiin.
Laakiin aayaddani sidoo kale, idamka Alle, waxaa lagu akhriyaa arrimo badan oo ruqya ah, gaar ahaan marka laga hadlayo sixirka biyaha, guntimaha jirka, iyo waxyaabaha lagu dareemo gudaha jirka.
MAXAY AAYADDAN FAA’IIDO U LEEDAHAY?
Aayaddan waxaa lagu akhriyaa xaaladaha la xiriira dhiigbaxa makaanka, gaar ahaan marka qofku dareemo in arrintu aysan ahayn mid caadi ah ama aysan si fudud u istaagayn.
Sidoo kale waxaa lagu akhriyaa sixirada ku xiran biyaha ama sixirka lagu sameeyo biyaha.
Waxaa kaloo lagu akhriyaa wax kasta oo lagu guntay ama lagu hayo biyaha jirka gudihiisa, sida dareen ah in wax ku xiran yihiin gudaha jirka ama meel gaar ah oo xanuun iyo culays laga dareemayo.
Aayaddani waxay leedahay macne aad u weyn, waayo waxaa ku jira amar Alle ku dhacay biyihii, kadibna biyihii way yaraadeen, arrintiina waa la dhammeeyey.
Sidaas darteed, waxaa wanaagsan in qofku aayaddan u akhriyo si niyad leh, isagoo Alle ka rajeynaya furfurid, daawo, nafis, iyo in wixii dhib ah laga dul qaado.
GOORMA AYAA LA AKHRIN KARAA?
Waxaad akhrin kartaa wakhtiga aad rabto.
Waxaa fiican in lagu dadaalo waqtiyada barakaysan, sida salaadda subax kadib, salaadda casar kadib, ama salaadda cishaa’i kadib.
Ujeedadu waa in qalbigu joogo, niyadduna ay sax tahay, qofkuna uu Alle ku xirnaado.
SIDA LOO AKHRIYO
Biyo nadiif ah soo qaado, kadibna aayadda ku akhri, kuna tuf si khafiif ah.
Biyahaas cab.
Sidoo kale gacantaada midig saar makaanka, caloosha, ama meel kasta oo jirkaaga ka mid ah oo aad ka dareemayso xanuun, culays, ama in wax ku guntan yihiin.
Kadib aayaddan si niyad leh ugu akhri 333 jeer, adigoo Alle ka baryaya inuu kuu furo wixii xiran, kuu daweeyo wixii ku dhibaya, kana baabi’iyo wixii sixir, guntiimo, ama dhib ruuxi ah oo jira.
AAYADDA LA AKHRINAYO
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
﴿ وَقِيلَ يَا أَرْضُ ابْلَعِي مَاءَكِ وَيَا سَمَاءُ أَقْلِعِي وَغِيضَ الْمَاءُ وَقُضِيَ الْأَمْرُ وَاسْتَوَتْ عَلَى الْجُودِيِّ ۖ وَقِيلَ بُعْدًا لِّلْقَوْمِ الظَّالِمِينَ ﴾
[هود: 44]
KELMADDA SI GAAR AH LOOGU CELCELINAYO
Waxaa si gaar ah loogu celcelin karaa qeybta ah:
وَغِيضَ الْمَاءُ
Ku celceli in badan, gaar ahaan 100 jeer ama ka badan, adigoo niyadda ku haya in Alle yareeyo, baabi’iyo, qalajiyo, kana saaro wixii dhib ah ee ku xiran biyaha, dhiigga, ama guntimaha jirka gudihiisa.
TALO MUHIIM AH
Daaweyntu waxay ku jirtaa gacanta Alle oo keliya. Qur’aanku waa sabab weyn oo Alle ku bogsiiyo addoomadiisa.
Haddii dhiigbax, xanuun daran, ama xaalad caafimaad oo joogto ah jirto, waxaa muhiim ah in qofku sidoo kale la xiriiro dhakhtar, isla markaana ruqyadana uu si joogto ah u wado.
Ruqyadu waa sabab sharci ah, dhakhtarkuna waa sabab caafimaad ah, labaduba Alle ayaa wax ku daweeya.
NALA WADAAG WAXA AAD DAREENTO
Haddii aad akhrido aayaddan, nala wadaag waxa aad dareento, si dadka kale uga faa’iideystaan khibraddaada, idamka Alle.


